DF dadaalka ay ku bixisay inaan lagu dibedbixin DALJIRKA DAHSOON ha geliso inaan dadwaynaha la qarxin

0

(Muqdisho) 06 Maarso 2021 – Waxaa tan iyo bishii hore ee Febraayo Muqdisho ka taagnayd doodda iyo hardanka ku saabsan in Daljirka Dahsoon lagu dibedbixi karo iyo in kale.

Ugu dambayn qolyaha musharrixiinta ah oo laftoodu u muuqda kuwo aan haynin ama aan ugu yaraan weli muujini qorshe siyaasadeed oo macquul ah ayaa shalay ku dhawaaqay inay hakiyeen dibedbax maanta ka dhici lahaa Daljirka Dahsoon, taasoo keentay in DF oo horay u diiddey dad shacab ahna ku xabadaysay ay soo dhoweyso go’aankooda iyadoo halkaa ka qaadday ciidamo ay ku gadaantey.

Su’aasha meesha taallaa waxay tahay in la ogaadey in ciidanka amaanka DF ay amaanka runtii sugi karaan haddiiba ay awoodaan inay xiraan meeshii ay doonaan marka ay sidaasi daacad ka tahay.

Yeelkeede, isla shalay oo ay jidadka daadsanaayeen ciidamo loo dumay inay dibedbaxyada joojiyaan waxaa bartamaha magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ay dad rayid ihi ku dhinteen.

Haddaba, waxay dadwaynaha oo dareensan inaysan DF dadaal la eg midka ay ku bixinayso daaficidda dano siyaasadeed aanay ku bixinaynin midka amaan oo ah sababta ciidanka amaanba loo sameeyey, ayaa ku baaqaya in DF ay dadaalka ay ku bixisay inaan lagu dibedbixin Daljirka Dahsoon ay geliso inaan dadwaynaha la qarxin ama ugu yaraan aan iyada dhib uga imanin.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media