Dayacaad halis ku ah amaanka dadwaynaha oo ka taagan makhaayad ku taalla Muqdisho (Qof shalay ku dhintay)

0

(Muqdisho) 06 Maarso 2021 – Galabta abaaro magribadii waxaan fadhiyay makhaayad ku taalla Rugsan Mall, Suuqbacaad qeybteeda u sarreeysa makhaayadda magaceeda waxa la dhahaa Tayo Restaurant, makhaayadu waxay ku fadhisaa meel leh saqaf kore ah oo ka sameeysan jiingad caag ah oo khafiif ah, taasoo loogu tala galay inay iftiimiso qeybaha hoose ee Mallka.

Saqafkaas ma laha bir ku wareegsan, kaaga darane dhulka ayuu la siman tahay inkastoo uu wax yar dhulka ka sarreeyo laakiin waa saqaf dadka xitaa ay ka tilaabsan karaan ama xitaa qofka aan garaneyn ee aan weligiis imaanin goobta uu ku istaagi karo.

Waxaa dhacday in gabar yar oo dhallinyaro ah oo makhaayada ka qaxweyneysay iina jirtey 10 mitir wax ka yar ay u dhaqaaqday dhinacii saqafka ahaa iyadoo ujeedkeedu ah inay baxdo ama salaada maqrib isku diyaariso, gabadhii waxay ku istaagtay saqafka wuuna la dumay waxaya ku dhacday dhulka hoose.

Ogoow, meesha ay kaso dhacday waa figta sare ee dhisme sedex biyaano ah waxayna ku dhacday sagxadda hoose ee dhulka, kaddibna madaxa ayaa dillaacay oo dhiig badan ayaa ka baxay iyadoo daciif ah ayaa goobta laga qaaday isbitaalka marki la geeyayna way dhimatay (AUN).

Masuuliyaddaas gabadha dhimatay waxaa is lah dadka leh milkiyada Mall-ka iyo makhaayadda dhibaataas wayn ee lasii saadaalin karo ka aamustay, maadaama ay qiyaasi karaan inay dhibaatadani iman karto.
Waxaan soo jeedin lahaa in dowladdu ay wax ka qabato dhibaatada meeshas taalla, maxkamad lasoa taago kuwa leh milkiyada Mall-ka, walaasheenna Allaha u naxariisto, waxaan rajeynayaa inay cadaalad heli doonto.

Walaalaha soomaaliyeed waxaa idinka codsanayaa inaa share gareysaan si gabadhaas walasheen ah cadaalad u hesho.

Waxaa Qoray: Cumar Cabudlqaadir Abuukar, oo goobjoog ahaa.

Hadalsame Media