Arrin lagu dhiig miiranayo shacabka dan-yarta ah oo Muqdisho ka socota (Faragelin deg deg ah oo loo baahan yahay)

0

(Muqdisho) 06 Maarso 2021 – CIBRA-QAADASHO! Maalmahan, magaalada Muqdisho halkii haan ee ogsijiinka waxay mareysaa $400 doollar oo tuugmo iyo rafaad lagu helayo. Halkii haan oo ogsijiin ah waxay qofka heyn kartaa 6 saacadood kaliya, sidaas darteed halkii bukaan maalintii wuxuu u baahan yahay ugu yeraan 3 haamood oo Oxygen ah. Seddaxdii haamood qiimahooda waa $1200.

Warshadaha soo saara neeftan, dalabaadkii dadkii laga xanuunsanaa inta ay ku bateen ayey teleefoonada iska dansadeen, guryahooda ayaa loogu tagaa, waxaa loo wataa dad yaqaana oo kaala hadla, garab iyo weji garasho ayey kaaga iibinayaan, maadaama ay baahidii badatay.

Adiga oo lacagtaadii wata, qiime kasta diyaar la ah ayaad bukaankaagii neef macmal ah oo iib ah uga raadinaysaa warshado iibiya neef macmal ah, kaddib ayaa weji aqoonis iyo garab uun lagaaga soo iibinayaa si kale kuma heleysid.

Markii uu qofka kaa soo iibiyo 3 haamood oo neef macmal ah waxaad ugu mahad celiysaa sida inuu naf kuu badbaadiyey oo kale, hadal dabacsan, naxariis ka muuqatana waad kula hadleysaa si uu berrina kaaga iibiyo.

Ka warrama inteena aan hadda xanuunsaneyn ee neefta uu Rabbi ugu deeqay iska dhuuqeysa? Ma og nahay in dad anaga inala mid ah oo Soomaali ah ay maalintii $1200 iyo silac ku helaan neef ay ku noolaadaan maalintaas kaliya amaba ay u dhintaan markii ay waayaan neeftaas macmalka ah?

Ma nala tahay in aan Ilaahey ugu shukrino oo aan ku cibra qaadano arrintan xanuunka leh ee dadkeenii oo neef macmal ah ku iibsanaya $1200 maalintii aan arkeyno, misena aan lagu cibro qaadaneyn?

Bal qofoow adigan hadda qoraalkeyga aqrinaya is weydii, haddii $1200×30 = $46,000 bishii. Waa hubaal inuusan midkeenna awoodin inuu $46,000 bishii ku iibsado hawo uu ku neefsado.

Laakiin mid ayaan awoodnaa. Waxaan awoodnaa in ALLAHA neeftaas inagu siiyey lacag la’aanta, haddana aan nagu xirin in aan warshado ka raadino, sidan naxariista badan inoogu deeqay in aad iska neefsato meel walba oo aan joogno iyo goor walba, waxaan awoodnaa in aan ku shukrino.

Fadlan aan ku cibra qaadano waxa dhacaya. ALLAAH u duko labo rakcadood oo salaatul shukri ah, mar walbana uga mahadceli in aadan bani’aadam ka soo iibsaneyn neef macmal ah oo isaga uu kaa kaafiyey baahidaas, kuuguna daray caafimaad, una ducey walaalaahaaga xanuunsan ama geeriyooday iyaga oo ay neeftu dhibeyso.

Waxaa Qoray: Abuukar Al Badri

Hadalsame Media