Turkiga oo aad uga caroodey war kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta

0

(Ankara) 06 Maarso 2021 – Ankara ayaa gaashaanka u daruurtay wax ay ku tilmaantay “go’aan aan raad lahayn” oo ka dhan ah Turkiga oo kasoo baxay Jaamacadda Carabta kaddib kulan ay yeesheen Wasiir Dibadeedyada AL.

Wasaarad Dibadeedka Turkiga ayaa sheegtay in warka kasoo baxay wasiirradu aanu ka tarjumaynin xiriirka “saaxiibnimo iyo midka walaalnimo” ee ay la leeyihiin shucuubta Carbeed, iyadoo sheegtay in qaar ka tirsan dalalka ururka ku jiraa ay eeddaas dabada ka riixayeen si ay u “daboolaan howlo ay wax ku kharribayaan”, iyadoo sheegtay in dalal ku jira AL ay ka horjeesteen go’aankan ka dhanka ah Turkiga.

Shirkan oo ahaa kal-fadhigii 155-aad oo uu guddoominayey Wasiir Dibadeedka Masar, Sameh Shoukry, ayaa looga hadlay wax lagu sheegay ”faragelin ay Turkigu ku hayaan dalalka Carbeed”, taasoo ah midda ay Turkigu ka xumaadeen. Waxaa sidoo kale kulankan lagu eedeeyey dalka Iiraan.

Warkan kasoo baxay WAD ayay Turkigu ku sheegeen inay ka mid yihiin dalalka dedaalka ugu badan ku bixinaya ”nabad iyo xasillooni gobolka ka islaaxda” isla markaana doonaya midnimada iyo wax qabsiga Carabta.

Waxay Turkigu dalalka Carbeed ku boorriyeen inay diiradda saaraan nabadda iyo baraaraha Carbeed halkii ay Turkiga la tiigsan lahaayeen “eedo aan sal iyo raad lahayn”, sida ku cad warbixinta WAD Turkiga oo sidoo kale soo dhoweysey tillaabo ay Masar ku taageertay moowqifka kala calaamaynta Bariga Badda Cad oo ah hindise Turkigu keenay.

Hadalsame Media