Ciidamo lagu arkayo Daljirka Dahsoon & Wasiir Amaanka oo lagu wado inuu galabta hadlo

0
Gaari gaashaaman oo BMC ah oo taagan Daljirka Dahsoon

(Muqdisho) 05 Maarso 2021 – Wasiirka Amniga ee dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Xundubeey ayaa goor dhaw qabanaya shir jaraa’id oo uu kaga hadli doono arrimo kala duwan.

Waxyaabaha lagu wado in shirka jaraa’id lagu qaadaa dhigo kama marnaan doono banaabaxa lagu wado in barrito lagu qabto Daljirka Dahsoon iyo qaabka ay DF u doonayso inay u wajahdo.

Wararka naga soo gaaraya Muqdisho ayaa sheegaya in la arkayo ciidamado la geeyey Daljirka Dahsoon, waloow ay XF horay u ogolaatay dibedbaxaasi oo aanu weli jirin war ka duwan oo kasoo baxay dhankeeda.

Wasiirka Amaanka ayaa la sheegayaa inuu shirka jaraa’id qaban doono 5-ta galabnimo aminta maxalliga ah ee Muqdisho, markaas ayaana la ogaan doonaa mowqifka kama dambaynta ah ee XF.

Hadalsame Media