”Wuxuu noqon karaa mid argagixiso!” – Booliiska Sweden oo baaris ku bilaabay weerar ay dad badani ku dhaawacmeen (Dhegeyso)

0

(Vetlanda) 04 Maarso 2021 – 8 qofood oo uu ku jiro qof la tuhunsan yahay ayaa ku dhaawacmay weerarkii middida loo adeegsadey ee shalay galab ka dhacay Vetlanda.

3 dadkaa ka mid ah ayaa qaba dhaawacyo naftooda halis gelin kara, halka 2 ay qabaan dhaawacyo daran, laba kalena uu dhaawacoodu roon yahay.

Ninka la tuhunsan yahay ayaa lagu sheegay 20-jir ay horay booliisku diiwaankiisa u hayeen isagoo galay dembi ka yaraa midka haatan.

Angelica Israelsson Silfver oo ah afhayeenad ka tirsan Booliiska ayaa ka sheekaynaysa halka ay haatan wax u marayaan, iyadoo sheegtay inaysan weli la hadlin eedaysanaha oo aanu sawirka dhacdadu weli aad u kala caddayn.

Angelica Israelsson Silfver oo la waydiiyey inay wax ka sheegto tafaasiishaas ayaa ku adkaysatay in waloow ay dareensan tahay inay shacabku doonayaan inay ogaadaan waxa uu ku saabsan yahay weerarka dhacay ay misna weli deg deg tahay in la cayimo ujeedka weerarka Vetlanda oo ay baaristu soconayso.

Hadalsame Media