”Waxay bilaabeen inay dadka doonida ka daadiyaan!” – Soomaali ku le’atay dooni ka goosatay Jabuuti

0

(Jabuuti) 04 Maarso 2021 – Ugu yaraan 20 tahriibe ayaa ku dhintay dooni siddey ilaa 80 qofood taasoo kasoo furatay xeebaha Obokh oo ka tirsan Jabuuti.

Sida uu sheegay Mohammed Abdiker, oo Geeska iyo Bariga Afrika u fadhiya IOM, waxay dadkani u tahriibayeen dhanka Yaman markii uu shilkani dhacay, si ay ugu sii gudbaan dalalka Khaliijka.

Waa markii 3-aad oo ay arrintan oo kale dhacdo muddo 6 bilood gudohood ah, iyadoo ay guud ahaan ku dhinteen 70 qofood.

Yvonne Ndege, oo ah afhayeen goboleedka IOM ayaa Anadolu Agency telefoonka ugu sheegtay in dadkii wax tahriibinayey ay bilaabeen inay dadka doonyaha ka tuuraan kaddib markii ay sheegeen inay tiro badan yihiin oo ay doonidu ciirayso.

Doonida ayaa ka dhaqaaqday degaanka Oulebi, iyadoo sidda 200 oo qof oo ay xitaa ku jiraan carruur iyo haween, iyadoo dadkii ka badbaadey shilkan naxdinta leh lagu dawaynayo rug caawisa dadka socotada ah oo ay leedahay IOM oo Jabuuti ku taalla.

5 qof ayaa ilaa haatan maydkooda la helay, iyadoo dadku ay u badnaayeen Soomaali iyo Itoobiyaan u naq raacayey dalalka hodanka ah ee Khaliijka sida ay sheegtay Ndege.

Dhaqankan ah in dadka doonyaha laga daadiyo ayaa ahaa mid jiri jirey sanadihii 90-meeyadii ilaa 2000, balse markii dambe joogsadey markii laga mamnuucay xeebaha bari ee Somalia oo ay dadku ka bixi jireen.

Hadalsame Media