Kaddib diidmadii Kenya ICJ oo wax ka bedeshey hannaanka dhegeysiga dacwadda Somalia-Kenya & halka aad kala socon karto

0

(Hague) 04 Maarso 2021 – Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa ka hadashay qaabka ay u qabanayso dhegeysiga dacwadda Somalia-Kenya ee ku saabsan dhul-badeedka ay Kenya sheeganayso, taasoo ku beegan 15-ka Maarso.

War rasmi ah oo kasoo baxay ICJ ayaa lagu sheegay in dhegeysigu uu 3-da galabnimo ka dhacayo Peace Palace oo ku yaalla Hague, oo ah xarunta maxkamadda ICJ.

Maxkamadda ayaa sheegtay in maadaama ay jiraan xannibaadaha Covid-19, hannaanka dacwad dhegeysigu uu noqon doono mid barxan oo ay dadka qaar iman doonaan hoolka maxkamadda ee The Great Hall of Justice qaarna ay kala socon doonaan khadka la iska arko.

Dacwadda ayaa si toos ah loogala socon doonaa khadka internet-ka (VOD), iyadoo ku baxaysa afafka Ingiriiska iyo Faranjiga, waxaana meelaha laga heli doono ka mid ah webka muuqaal sidaha QM ee UN Web TV.

Somalia ayaa dacwaddan Kenya ka gaysey magaalada Hague 28-kii Agoosto 2014, kaddib markii ay Kenya diiddey wada hadallo ay dhowr mar ku ballameen, waxaana muuqata in Kenya oo aan wax qiil ah oo sharci ah haysanin ay iminka ku doodayso in la wada hadlo.

Kenya ayaa horay u durtay in dacwada lagu dhegeysto hannaanka maqal iyo muuqaalka ee Zoom.

Hadalsame Media