Israel oo bilowday qorshe ay dalal Carbeed kaga iibinayso aragti iyada u dan ah

0

(Tel Aviv) 04 Maarso 2021 – Ïsrael ayaa reer Galbeedka ka gadaysa aragti ay iyada dani ugu jirto oo ah inay isku duwato gaashaanbuur Carbeed oo u badan dalalka Khaliijka kuwaasoo laga dhaadhicinayo inay u babac dhigaan wax lagu sheegay ”halista Iiraan”, sida uu qorayo The Makan.

Warqaadka ayaa intaa raaciyey in “saraakiil Israeli ihi ay aragtidan kusoo qaadeen kulamo ay dhowaan la kala yeesheen madax Carbeed sida mid dhexsaday RW Israel ee Benjamin Netanyahu iyo Dhaxal-sugaha Baxrayn Salman Bin Hamad Al Khalifa iyo mid kale oo dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Israel, Benny Gantz iyo Hoggaamiyaha Urdun Boqor Abdullah II.

Bishii Agoosto ee sanadkii tegey ayaa waxaa la sheegay in Imaaraadku uu Israel la wado qorshe lagu dhisayo saldhig sirdoon oo laga samaynayo jasiiradda Suqadra oo haatan ka tirsan dalka Yaman, sida uu qoray JForum, oo ah web ay leeyihiin dadka Yuhuudda ah ee Faransiiska ku hadla.

Labada dhinac ayaa xiriir rasmi ah samaystay horraantii isla bishaas, waxayna markiiba ku dhaqaaqeen in saldhiggaa laga sameeyo bartamaha Badda Carbeed oo 350 KM koonfur kaga beegan dalka Yaman, taasoo Israel siinaysa galaangal aysan horay ugu lahayn Gacanka Cadmeed iyo guud ahaanba Badda Cas.

Arrintan ayaa Israel ka caawinaysa in cudud iyo cood aysan lahayn ay ku mashquuliso Israel oo ay iyadu u aragto halista 1-aad ee gobolka ku cariirinaysa, halka dalalka Carabtu ay dhaqaale iyo naf badan ku waayi karaan, halka aan la hubin inay ka heli karaan dan istaraatiji ah.

Hadalsame Media