Ilhaan Cumar oo wadda qorshe ka hor keenaya madaxda ugu sarraysa Xisbiga Dimoqraadiga (Maxaa dhacay?)

0

(Washington, DC) 03 Maarso 2021 – Xil. Ilhaan Cumar ayaa shalay keentay hindise sharciyeed lagu cunaqabataynayo Dhaxal-suge Mohammed bin Salman (MBS) oo loo haysto doorka wayn ee uu ku lahaa dilkii Jamaal Khasuuqji, taasoo Ilhaan oo isbeddel doon ah ka hor keenaysa Afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Nancy Pelosi iyo xitaa MW Joe Biden oo arrinta dhanka siyaasadda ka eegaya.

Maareeyaha Sirdoonka Qaranka (ODNI) ayaa Jimcihii hore sii daayey galal sir ahaa oo ay hayeen sirdoonka Maraykanka kuwaasoo caddaynaya in MBS uu qorsheeyey khaarajintii Khashuuqji oo lagu dhex qalay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul Oktoobar 2018.

“Tani waxay tijaabo ku tahay aadminimadeenna,” ayay ku doodday Cumar oo metesha Minnesota, oo war soo saartay. “Haddii uu Maraykanku dhab ahaan u taageero xorriyadda hadalka, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadmiga, ma jirto sabab aan loo cunaqabataynin Mohammed bin Salman — oo ah ninka ay sirdoonkeennu ogaadeen inuu amray dilka Khashuuqji.” ayay raacisay.

Cunaqabataynta ay Ilhaan waddo ayaa ka hor imanaysa sida ay wax u wadaan MW Biden iyo Wasaarad Dibadeedka Maraykanka, kuwaasoo ka caga jiidaya in la ciqaabo MBS iyagoo adeegsanaya tibix siyaasadaysanna sheegay inay kaliya “jihada u bedelaan” xiriirka Maraykanka-Sucuudiga ee aanay doonayn inay “banjariyaan”, sida uu sheegay Afhayeenka WAD Ned Price oo hadlay mar uu Isniintii shir jaraa’id ku qabtay Washington, DC.

“Waxaan doonaynaa in aannu lugo sax ah ku istaajinno xiriirka Maraykanka-Sucuudiga,” ayuu raaciyey Price oo daafacayey go’aanka Maamulka Biden ee ah inaan la ciqaabin MBS.

Maraykanka ayaa waloow uu isu sawiro inuu u doodo xuquuqda aadanaha iyo dimoqraadiyadda misna wax kasta ka eega sida ay u waafaqsan yihiin ama u diiddan yihiin danta guud ee Maraykanka, taasoo Ilhaan taagaysa maqaam aan sahlanayn.

Hadalsame Media