Wiil Soomaali ah oo reer Jigjiga ah oo daacadnimo uu sameeyey FURSAD wayn ku helay

0

(Jigjiga) 03 Maarso 2021 – Guuleed Ibraahim waa wiil yar oo Soomaali ah oo ku shaqaysta mooto Bajaaj uu ku wado magaalada Jigjiga, waxaa dhacday inay haweenay mootadiisa uga tagto 300,000 oo ah lacagta Itoobiya ee birr.

Waa xoogaa lacag ah oo ay ku iibiyey xoolo nool oo ay lahayd si ay dawo ugu raadiso wiil ay dhashay oo ka xanuunsanaa.

“Hooyadii oo murugaysan ayaa markii saacado ooyaysey oo ay xitaa kusoo bexeen shaqaalihii isbitaalka iska tagtay iyadoo quusatay,” ayuu soo qoray Mustafa Maxammed Cumar, MW Maamulka Gobolka Soomaalida.

Deeto wiilkii yaraa ayaa arkay inay lacag uga tagtay Bajaajtiisa wuxuuna u orday isbitaalkii uu ku dejiyey haweenayda, ha yeeshee, markaas ma aanay joogin isbitaalka ee waxaa lagu wacay telefoon loogu sheegay waxa dhacay.

Mustafa Cagjar oo sheegay in loo baahan yahay “ in la dhiso bulsho anshax ahaan toosan” ayaa si shakhsi ah u wacay wiilkii si uu uga mahad celiyo daacadnimadiisa, intaa oo qura ma ahane, wuxuu Guuleed jaamacad uu dhiganayey uga haray dhaqaale darro si uu u taageero waalidkii, balse haatan Maamulka ayaa u ballan qaaday inay ka taageerayaan dhanka dhaqaalaha isaga iyo waalidkii inta uu ka dhamaynayo jaamacadda.

Waxaa kale oo loo ballan qaaday boos shaqo isla marka uu dhameeyo waxbarashada. Guuleed ayaa haatan laga hadal hayaa dhamaanba Itoobiya oo uu Maamulka Soomaalidu haatan hoos tago.

Hadalsame Media