(Ankara) 03 Maarso 2021 – Millateriga Kazakhstan ayaa tijaabiyey beebbaha culus ee Turki sameega ah ee Arma 8×8 oo 8 lugoodle ah iyo hannaanka meesha fog laga hago ee ku xiran ee Nefer, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Kazakhstan.
Beebbahan oo ay samaysay shirkadda Otokar iyo hannaanka hubka ku xiran oo ay sancaysay Aselsan ayaa lagu tijaabo goobta dab-ridka ciidamada ee Spassk ee gobolka Karaganda oo ka tirsan gobolkan dhaca Aasiyada Dhexe, sida ay sheegtay Anadolu Agency (AA).
Waxaa ku xiran boobe 7.62-mm ah iyo madfac fudud oo 30-mm oo la yiraahdo 2A42 kaasoo darandoorri u dhaca, waxaa sidoo kale tooreedkiisa lagu xiri karaa madfac culus, kaasoo ku wanaagsan cimilada Kazakhstan oo uu ka jiro jiilaal aad u qabow wuxuuna ku shaqayn karaa -32 digrii Celsius iyo +55 digrii Celsius kulayl dhan, isagoo leh kaamira habeenkii kulka wax ku aragta.
Hannaanka hubka ku xiran ayaa sidoo kale leh muuqaallo ay ka mid yihiin inuu toogan karo bartilmaameedyada socda iyo kuwa neg, aragti habeen iyo maalin ah, hannaanka shucaaca laysarka oo si sax ah wax u shiishaya, dab damis otomaatig ah iyo digniin ku saabsan rasaasta aad haysato ama kuu hartay. Wuxuu qaadi karaa 12 qofood.
Otokar ayaa dhowaan dal Afrikaan ah oo aan la sheegin ka iibisey beebayaasha Arma 8×8 iyo kuwa kale ee 4-lugoodlaha ah ee 4×4.
Hadalsame Media