XOG: Ciidamada Danab oo diidey codsi uga yimid MW Farmaajo oo Muqdisho loogu daabuli lahaa

0

(Muqdisho) 27 Feb 2021 – DF Somalia ayaa baajisay dibedbax ay Muqdisho ka iclaamiyeen 19-kii Febraayo kaddib markii ay jidadka muhimka ah ee magaalada ay kusoo daabuleen ciidamada Gorgor iyo Haramcad oo xirey goobo ay ka mid ahayd Daljirka Dahsoon ah oo loo asteeyey in la isugu yimaado.

Madasha Musharrixiinta ayaa markale ku baaqay dibedbax kale oo dhici lahaa Jimcaha xiga oo ku beegnayd shalaytoole, balse waxaa kaana lagu baajiyey wada xaajood ka dhacay Decale Hotel kaasoo ay heshiis ka kooban 6 qodob oo ay ku jirto in 10 maalmood mudaaharaadka dib loo dhigo ku gaareen RW XF iyo Madasha Musharrixiintu.

Haddaba, xog haatan soo baxaysa ayaa sheegay in MW Farmaajo uu taliska Komaandooska Danab waydiistey in ay ciidamo usoo diraan Muqdisho kahor inta aan heshiiskan dambe la gaarin, taasoo la sheegay in laga diidey, sida ku qoran Washington Post.

Sarkaal ka tirsan Komaandooska Danab oo ka mid ah ciidamada leh tababarrada xirfadaysan oo diidey inuu magaciisa sheego ayaan si toos ah u tilmaamin sababta iyo cidda ka dambeysey diidmadaasi, balse Ciidanka Danab ayaa waxaa tababaray Maraykanka oo 700 oo askari oo Somalia ka joogtey halkaa kala baxay bishii tagtay.

Sharciyan Ciidamada Qalabka Sida ayay waajib ku tahay inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda ee maxalliga ah, marka laga reebo inay sugaan amaanka haddii loo baahdo, balse Somalia ayaysan ciidamadu weli bisaylkaa iyo heerkaa gaarin.

Hadalsame Media