Ardaydii ugu horreeysey oo ka qalin jebiyey Mac’hadka Farsamada Muuska Somalia

0

(Muqdisho) 27 Feb 2021 – Hay’adda USAID ee dalka Maraykanka ugu qaybsan gargaarka caalamiga ah ayaa Somalia ka wadda mashruuc la magac baxay Geel, kaasoo kaalin wayn uga jira horumarinta wax soo saarka beeraha dalka.

Waxaa haatan qalin jebiyey dufcaddii ugu horreeysey ee 200 iyo dheeraad ah arday ah oo ay ku jiraan 50 haween ah, kuwaasoo la baray farsamada beerista, dawaynta iyo daraasadaynta mooska.

Ardaydan ayaa ka qalin jebisey Mac’hadka Farsamada Muuska Soomaaliyeed iyagoo ka faa’iidaysanaya barnaamij ay iska kaashanayaan mashruuc Geel ee USAID Somalia iyo mac’hadkaasi, waxaana sidoo kale tababarka ka qayb qaatay TAAS Enterprise.

Ujeedku waa inay Somalia yeelataa wax soo saar ku filan oo ah khudaarta darayga ah ee dalka kasoo baxda, si loo qaabilo baahida maxalliga ah iyo midda caalamiga ah.

Hadalsame Media