”Somalia waxay yeelatay ciidan xirfadleey ah oo ka amar qaata hal meel” – Washington Post

0

(Muqdisho) 27 Feb 2021 – Somalia ayaa markii ugu horreeysey muddo kaddib yeelatay ciidamo xirfadlayaal ah oo hoos taga DF Somalia, kuwaasoo tababar caalami ah ka qaatay dalal shisheeye, sida uu qoray Washington Post.

In ciidamada la mideeyo oo la hoos geeyo DF Somalia ayaa ilaa xad shaqeeysay iyadoo la adeegsanayo in hal meel laga bixiyo musharkooda isla markaana dib loo qaabeeyo qaab-dhismeedka taliskooda, balse weli wax badan baa harsan, sida ay qabto Jihaan Cabdullaahi Xasan oo la taliye ka ahayd Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia.

”Ciidamada weli si maangal ah la isuguma dhafin, balse halkaa ayaa loo socdaa oo ma ogolaan karno inay dib ugu noqdaan hardankii reeraha.” ayay tiri Jihaan oo uu soo xigtey warqaadka Washington Post.

Jihaan ayaa farta ku goddey inay weli jiraan ciidamo u daacad ah Maamul-goboleedyada, iyadoo marar badan lagu doodo khadka u dhexeeya DF iyo maamullada oo aanay jirin cid ka gar naqda, maadaama uu qabyo yahay Dastuurka dalku, isla markaana aanay jirin Maxkamad Dastuuri ah oo aan weli helin maamul daacad ka ah dhismeheeda.

Hadalsame Media