Saxaafadda Imaaraadka oo sheeko sumcad dil ah ka samaysay Somalia & shacabka oo ka dhiidhiyey (Daawo)

0

(Abuu Dabeey) 27 Feb 2021 – Imaaraadka ayaa ka mid ah dalalka sanadihii ugu dambeeyey caddaystay cadaawad ay u hayaan dowladnimada iyo midnimada Somalia, waloow nasiib darro aanu jirin baraarug siyaasi ah oo moowduuci ah oo arrintaa ka dhan ah.

”Gacan qoriga ayuu ku sitaa, gacanna qoriga.” ayaa ka mid ah warka weriyaha iyadoo sheekada lagu jarjarayo sawiro qadiimi ah oo la qaaday bilowgii dagaallada sokeeye.

Siyaasiyiinta iska dhigaya inay Imaaraadka diiddan yihiin iyo kuwa la ologga ah ayaa ka siman inay cayrsadaan san-dareerto siyaasadeed iyo wixii yoolkoodaas caawinaya, iyadoo uu sawirka ka maqan yahay wixii u dan ah dal Somalia la yiraahdo iyo dadkiisa.

Warbaahinta Imaaraadka ayaa soo gudbisa wax kasta oo ay la tahay inay ku taageerayaan ajendohooda ka dhanka ah Somalia, waxaana ugu dambeeyey sheeko qayb ahaan sumcad dil ah oo xitaa lagu soo daray muuqaalka dad aan Soomaali ahayn, taasoo uu Sky News Arabia kusoo qaatay barnaamij uu kaga hadlayo Jaadka iyo Soomaalida.

Wuxuu muuqaalku bixinayaa inay Soomaalidu yihiin dad faqri ah oo waalan oo Qaadku kala wayn yahay xitaa noloshooda asaasiga ah, waloow ay taa wax ka jiraanna, wuu ka badbadinayaa oo wuxuu muuqaalka kusoo darayaa dad iskugu jira Kenyan, Yamani, Itoobiyaan iyo meelo kale.

Nasiib wanaag, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyey bahdilka iyo suurad xumaynta istaraatijiga ah ee uu Imaaraadku wado iyagoo ku qamaamay sheekada Sky News Arabia.

Waxaa uu iska Sky beri dhowayd qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay in Muqdisho uu ka muuqdo muuqaal cabsi leh isagoo Turkiga eedaynaya, iyadoo ay jiraan siyaasiyiin uu lacag ku siiyo siyaasaddiisa ka dhanka ah dalka.

مقديشو تشتعل: سيناريو مرعب فى الصومال بأيادى تركية

Hadalsame Media