”Koofuri ha miyirsato!” – Cillado ka taagan sida loo qaybsanayo Guddiga Doorashada Somaliland oo la iftiimiyey

0

(Muqdisho) 27 Feb 2021 – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo beri dhowayd shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa sharraxay sida ay u khaldan tahay sida loo maareeynayo Guddiga Doorashad dalka ku metelaya woqooyiga Somalia.

Shirkii ugu dambeeyey ee Baydhabo ka dhacay ayaa lagu go’aamiyey in guddigaas ay soo kala xulaan RW Xigeenka Md Mahdi iyo Guddoonka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, balse Samatar ayaa arrintaa dood ka keenay isagoo farta ku godey iimaha ku jira, isagoo koonfurta u jeediyey ”inat miyirsato.”

Wuxuu sheegay in aysan soconayn in la yiraahdo dal midaysan baan nahay woqooyina gaar baa loogu talinayaa. Wuxuu intaa raaciyey in ninka RW Xigeenka ah ee la yiri waa inuu Cabdi Xaashi wax la qaybsadaa uu yahay nin uu wato MW Farmaajo.

”Waa nin uu amar siiyo oo isaga u shaqeeya, marka in la yiraahdo nin ay Soomaaliyi dooratay oo ay reer woqooyi doorteen (Xaashi) ninkaa wax la qaybso, waxay la mid tahay RW Rooble oo lagu yiri orod Qoor Qoor u tage adna la qaybso, Wasiir Dibeduna inta Siciid Deni garab fariisto ha yiraahdo inoo kala qaybi,” ayuu ku dooday Prof. Samatar oo la hadlayey Somali Cable.

Wuxuu sheegay in ay xitaa macquul ahaan lahayd haddii la keeni lahaa dad aan labada dhinacba ahayn. Iinta kale ayuu ku sheegay inay tahay burrinta hab-miisaanka lagu sal gooyo 4.5, isagoo sheegay in labada nin ay hal dhinac wada noqonayaan.

Cillada kale ayuu ku sheegay in Guddiga Doorashada Woqooyigu ay yihiin 15 xubnood, kuwaasoo ay 3 ka tirsan soo magacaabayso DF, halka 12-ka kale uu 4 uun qaadanayo Cabdi Xaashi, taasoo ka dhigan saami ahaan 11:4. ”Taasi waa ruwaayaddii aannu naqaanney.” ayuu raaciyey Samatar.

Hadalsame Media