Arrin halis ku ah jiritaanka umadda oo ka socota Muqdisho & meelo kale oo dalka ka mid ah

0

(Hadalsame) 27 Feb 2021 – Dalka 20 kii sano ee ugu dambeysay waxaa hantidii dowlada ee danta guud iyo tii dadka masaakiinta ahba boobay dadka intii wax heysatay, kadib markii ay iibsadeen cadaaladdii wadanka.

Maanta xaaraantu wey ka xoog badan tahay xalaasha, mana aha ceeb oo leyskulma yaabo, cadaaladdii wadankuna waxey gacmaha ugu jirtaa inta wax heysata oo ah kuwa ma dhergayaal ah oo ma naxayaal ah, Ilaaheyna iimaanka ka qaaday oo wax kasta raba iney iyagu mulkiyaan, keligoodna ku noolaadaan.

Sidaa waxey u sameynayaana waa iney yihiin rag is huba oo mar hore iibsaday cadaaladdii dalka, waxeyna kooxdani ka mid tahay kooxo badan oo dalka ka jira oo ,horey u soo boobay maal dowladeed, maal masaakiin iyo mid agoomeedba, koleey tanna waxey rabeen iney isla maantaba ku luqluqdaan lkn xaga Allah ayey ka fashilantay, waxaanse shaki iiga jirin Kooxdaani ineysan marnaba ka hari doonin Dhulka uu ku yaalo Schoolkan, oo mar ay ahaataba ay markale ku soo rogaal celin doonaan.

Ugu dambayn….Maryooleey inta dadka wax heysta ay cadaaladda wadanku gacanta ugu jirto, dadka aan wax heysan waxey ahaan doonaan dulmanayaal loo awood sheegto.!!

FG: Boobka muuqda waxaa ka daran boobka aan muuqan,dulmanaha hadlana waxaa ka badan dulmanayaasha aan hadli karin.!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media