Qorshe sanado kahor la diyaariyey oo la doonayo in Somalia lagu tijaabiyo (Maqmaqalkiisa oo soo badanaya & sida loo wajihi karo)

0

(Hadalsame) 27 Feb 2021 – Soomaaliya kolkii ay burburtay u gu horrayn waxaa soo baxay hoggaamiye kooxeedyo mid waliba doonayo in uu talada xoog ku qabsado isaga oo hubeeyay qabiilka uu ka dhashay. Nimankaasi kolkii ay ka la adkaan waayeen shirar badan baa loo qabtay si loo heshiisiiyo, taas oo si buuxda loogu guuldarraystay. Sidaas buu waqtigii dawlad la’aantu ku dheeraaday.

Sannadkii 2000 Shirkii Carta wax uu ahaa iskuday la doonayay in la ga ga fursado hoggaamiye kooxeedyada, waxaana la isu keenay qaybaha bulshada rayidka ah oo ka socday qabiilooyinka iyo degaannada.

Halkaa waxaa la ga unkay dawlad ku dhisan talo qaybsi qabiileed oo loo bixiyay 4.5. Ma aha hab xaddaaradeed oo dawlad casri ahi ku dhismi karto, wax ay se noqon lahayd waddo yar oo ta weyn la gu gaadho kol haddii hoggaamiye kooxeedyadu bulshadii qabiilooyin u qaybiyeen.

Taa guul weyn la ga ma keenin, oo wax ayba sii cayilisay qabiilkii iyo qabyaaladdii, taasina wax ay dadkii ka mashquulisay hadafkii loo socday ee ahaa in qabiilooyinka la xasiliyo oo la mideeyo dabadeed la dawladeeyo.

Mar kale ayaa Soomaalida la gu soo dhex tuuray fidno cusub oo shisheeye soo maleegay, federaal. Soomaalidii isku qoyska ahayd baa la ga dhigay sidii quruumo ka la dad iyo ka la dhaqan ah oo aan dheri wax ku wada karsan karin, ee ay tahay in toban madbakh loo ka la sameeyo.

Qoowmiyaddii Tigraay ayaa hormuud ka ahayd qorshahan la eeday ee maanta la fardaamin kari la yahay. Mar kale maanta Soomaalida waxaa loo falkinayaa xeelad la yidhaahdo “Balkanisation” oo la macne ah Soomaalida toban dawladood ha loo qaybiyo.

Balkanisation waxaa la ga soo qaatay burburkii iyo qaybsankii dalweynihii loo aqoon jiray Yuguslaafiya, kaas oo badhtamihii sagaashannadii qarnigii tagay loo ka la daadiyay toddoba dawladood. Dhawaaqan cusub dhegaha dunida ayaa beryahan aad loo maqashiinayaa si loo caadiyeeyo dabadeed loo aqbalo loona fuliyo.

Fikraddan waxaa dunida dhex wadwadi jiray dad Xabashi ah, waxaa se ku soo biiray Sawaaxiliga. Dabcan waa colaad ku taxan khilaafka dhuleed, badeed iyo diblomaasiyadeed ee maanta ka dhex oogan maamulka Kukuuyada iyo Soomaaliya.

Sawaaxiliyadda la yidhaahdo Rasna Warah maqaal dheer oo ay shalay faafisay wax ay ciwaan u ga dhigtay “Is Balkanisation the Solution to Somalia’s Governance Woes?”. Sidii ay weligeedba ahaan jirtay, suuqgeynta qorshahan waxaa loo adeegsanayaa dad Soomaaliyeed.

Guuleed Axmed waa nin Soomaaliyeed oo gabadhani maqaalkeeda xaaraanta ah ku xalaalaysay. Wax uu sheegay in sida uu qabo lagu faa’iidey qaybtii Yoguslavia isagoo yidhi “The 1995 Dayton accords, which ended the Bosnian war, paved the way for ethnic balkanisation of former Yugoslavia into six countries. This resulted in peace and stability and prosperity. So if Eastern European countries can separate along ethnicism, why not balkanise Somalia with multi-ethnicism just like the former Yugoslavia to achieve peace and stability and fair elections based on one person one vote?”.

Soomaalidu wax ay u baahan tahay in maskaxdeedu shaqayso oo keento anjande dhalad ah oo jiritaankeeda iyo midnimadeeda u adeegaya. Haddii kale Kukuuyo, Tigraay, Amxaaro iyo wax la mid ah baa u arriminaya.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media