DAAWO: ”Soomaaliyi ma kala go’i kartee yaan been la isu sheegin!” – Ismaaciil Buubaa oo Hargaysa jooga

0

(Hargaysa) 27 Feb 2021 – Diblomaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ahaa raggii mudada dheer ka tirsanaa DF Somalia, balse dhowaan ku noqday magaalada Hargaysa ayaa sheegay in Soomaalidu aanay kala go’i karin.

Buubaa ayaa sheegay in loo baahan yahay in run la isu sheego waayo xitaa haddii ay Soomaalidu u kala googo’do gobollo yar yar aanu midkoodna meel gaaraynin haddii aan la helin siyaasad guud oo umadeed.

Wuxuu intaa raaciyey in marka la eego siyaasadda geeska Afrika oo ay Soomaalida oo hal qoowmiyad ah ay wax kala dhexeeyaan qoowmiyaad kale oo gobolka deggan ay khasab ka dhigayso inay Soomaalidu isu timaado oo dan dhexe yeelato.

Ugu dambayn, Buubaa ayaa sidoo kale soo dhoweeyey heshiiskii ugu dambeeyey ee Muqdisho ku dhex maray XF Somalia iyo Midowga Musharrixiinta ee Muqdisho ku sugan.

Hadalsame Media