Soomaali beero iyo xoolo ku tabcay gobol ay Soomaalidu ku yar tahay oo ku yaalla Maraykanka + Sawirro

0

(Lewiston) 26 Feb 2021 – Muxidiin Libaax ayaa wuxuu ka mid yahay Soomaali ku dhaqan dalka Maraykanka oo halkaa ka samaystay beero iyo xoolo.

Waxyaabaha ay beeraan waxaa ka mid ah galleey iyadoo ay sidaasoo kale howshan ku jiraan ilaa 40 kale oo Soomaali ah oo beerashada ka bilaabay magaalada Lewiston, gobolka Maine, 2014.

Libaax ayaa howshaa bilaabay kaddib markii uu Maraykanka joogey 10 sano iyo 23 sanadood kaddib markii uu kasoo qaxay gobolka beeraha ku wanaagsan ee Dooxaha Jubba, Somalia.

Libaax ayaa sheegay inuu galleeyda ku jecel yahay iyada oo laga samayn karo waxyaabo badan sida Canjeero, Muufo, Soor ama Shuuro iyo waxyaabo badan oo kale.

“Waxaannu isku dayaynaa in aannu dib u abuurno noloshii aanu haysanney markii aannu dalkii joogney.” ayuu ku dooday Libaax.

Libaax iyo Soomaalida kale ayaa 2001 yimid Lewiston, oo ah magaalo wershadeed gabow ah, waana ilaa 3,000 oo qofood.

Hadalsame Media