DEG DEG: Madaxtooyada oo soo dhowaysey heshiiskii xalay lagu gaarey Decale Hotel

0

(Muqdisho) 26 Feb 2021 – Madaxtooyada Dalka ayaa soo dhoweysey heshiiskii xalay lagu gaarey Decale Hotel ee magaalada Muqdisho.Heshiiska oo laga soo saaray 6 qodob ayaa waxaa kala saxiixday RW Rooble, Madasha Musharrixiinta iyo maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug.

”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta oo xalay wadajir loo soo saaray,” ayaa lagu yiri War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada.

”Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

”Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan.

”Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan xasilloonida amni iyo siyaasadeed ee dalka, iyada oo dhabbaha loo xaarayo dhaqan-gelinta Heshiiska doorashooyinka iyo talo soojeedintii Guddiga Farsamada Doorashada Federaal ee ka soo baxday Shirkii Baydhabo.” ayaa lagu soo afmeeray War Saxaafadeedka.

Hadalsame Media