XOG: Turkiga oo wada qorshe cusub oo aan la hubin inay Somalia aqbali doonto

0

(Ankara) 26 Jan 2021 – Turkey ayaa ka shaqaynaya qorshe ay Somalia iyo Kenya uga wada hadli karaan muranka ay Kenya ku sheeganayso biyaha Somalia ee haatan hor yaalla Maxkamadda ICJ ee Hague.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Wasiir Dibadeedka Turkiga ee Mevlüt Çavusoglu uu bisha soo aaddan horraanteeda booqasho ku kala bixin doono Kenya iyo Somalia isagoo la kala kulmi doona MW Maxamed Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo aan isku fiicnayn bilihii dambe.

MW Recep Tayyip Erdogan ayaa la sheegayaa inuu xiisaynayo in ay labada dhinac xal saaxiibtinnimo ka gaaraan doodda dhex taalla oo Maxkamadda ICJ ay Somalia u gudbisey 2015, go’aanna laga gaari rabo 15-ka Maarso 2021 kaddib markii ay diiddey codsi ay Kenya markii 4-aad ku doonaysey in dacwadda dib loo dhigo.

Ankara ayaa isu aragta mid xiriir wanaagsan la leh Somalia iyo Kenya iyadoo doonaysa inay xallinta arrintan u adeegsato fursad ay ku xoojiso saamaynteeda goboleed iyo midda ay ku leedahay guud ahaanba qaaradda.

Somalia oo inta aanay dacwoon kahor isku dayday in arrintan laga wada hadlo ayaa Kenya ka waydey war cad, iyadoo inta badan haatan taagan mowqif ah in arrinta ay go’aamiso ICJ oo ka gar naqaysa.

Hadalsame Media