HINDISE WANAAGSAN: Ilhaan Cumar oo u ololaynaysa in meesha laga saaro arrin uu caalamku ku dhibsaday siyaasadda dibedda Maraykanka

0

(Washington, DC) 25 Feb 2021 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar oo Minnesota ku metesha Aqalka Wakiillada ayaa doonaysa in wax laga bedelo cunaqabataynta oo ka mid ah astaamaha lagu yaqaanno siyaasadda arrimaha dibedda Maraykanka.

Ilhaan ayaa horraantii bishan loo magacaabay Guddoomiye Xigeenka Guddi Hoosaadka Arrimaha Dibedda ee Afrika, taasoo siinaysa awood ay ku kor joogtayso go’aamada laga gaarayo sharciyaynta ciidamada dibedda loo dirayo, gargaarka iyo diblomaasiyadda.

Ilhaan ayaa ka mid ah koox Dimoqraadi ah oo MW Biden 11-kii bishan u diray warqad ay ku dalbanayeen in la sameeyo dib u eegis ballaaran oo ku saabsan cunaqataynta haatan saaran dalal dhowr ah, iyadoo uu Biden horay u go’aamiyey in qiimayn lagu sameeyo haddii ay caqabad ku yihiin gargaarka cudurka Covid-19.

Warqaddaasi ayaa haddaba maamulka Biden ku dhiiri gelinaysa in “uu ka baaraandego saamaynta aadminnimo ee ay keento cunaqabataynta Maraykanku.”

Cumar oo waraysi siisay Yahoo News, ayaa sheegtay in Maraykanku uu kaliya xooggiisa xusuusto marka uu go’aaminayo sida uu ula dhaqmayo dalalka kale, iyadoo tilmaantay in cunaqabataynta la saaro talisyadu ay inta badan keento natiijo cagsi ah.

“Waxaa muhim ah inaan is waydiinno in cunaqabatayntu ay dhaawacayso dadka aannu is leenahay caawiya.” ayay tiri Ilhaan.

Horraantii bishan, ayay khubaro xuquuqul insaan waxay QM u direen warqad ay ku sheegayaan in cunaqabatayntu ay dad ku dilayso dalal ay ka mid yihiin Iran, Cuba, Syria, Sudan, Yemen iyo Venezuela, maadaama ay ku tumanayaan xuquuqda insaanka oo ay abuurayaan xaalado dhaqaale oo khatar ah.

Hadalsame Media