Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Decale (Shuruudaha ay wataan Midowga Musharrixiinta oo la ogaadey)

0

(Muqdisho) 25 Feb 2021 – Wararka naga soo gaaraya Hotel Decale oo ku ag yaalla Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya inuu halkaa iminka gaarey RW Maxamed Xuseen Rooble, oo halkaa kula shiri doona musharrixiinta iyo labada Maamul-goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug.

Sida uu sheegayo weriye Xasan Cadde oo goobta ku sugan, Midowga Musharixiinta ayaa haatan la sheegayaa inuu u dhamaaday kulan iyaga u gaar ahaa oo ay kula jireen beesha caalamka iyadoo la fahamsan yahay inay dhinacyadu kala wataan shuruudo ay ka mid yihiin kuwan:

RW Rooble oo doonaya in dibedbaxa berri oo Jimce ah muddaysan dib loo riixo amaba la baajiyo gebi ahaanba.

Balse Musharixiinta ayaa ku adkaydsanaya in banaanbaxa la qabto, raali gelinna laga bixiyo wixii dhacay 19-kii bishan Febraayo.

In lagu daro oo ay ka mid noqdaan saamilayda ka qayb qaadanaysa wada hadallada looga hadlayo arrimaha doorashada.

In la sameeyo guddi madax bannaan oo awood leh, oo la socda qaabka iyo goobta ay wada hadalladu u dhacayaan.

In ay meesha ka baxdo awoodda uu Madaxwaynuhu ku leeyahay hagitaanka arrimaha doorashooyinka.

In Ra’iisalwasaaruhu qaato kaalintiisa hoggaamineed, maadaama uusan musharrax ahaynna uu door ka wayn midka iminka uu ku lahaado geedi-socodka nidaamka doorashada.

Haddii qodobbadan la isku fahmo ama meel uun la isku raaco oo wax lagu heshiiyo waxaa shirka lagu soo afjari doonaa shir jaraa’id oo midaysan.

Hadalsame Media