XOG: Khayrre oo shirka Decale Hotel uga baaqday arrin ka duwan midda ay dadku moodayaan

0

(Muqdisho) 25 Feb 2021 – Waxaa haatan shir ka furmay Decale Hotel halkaasoo uu RW Rooble kulan kula leeyahay Midowga Musharrixiinta iyo MW maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle.

RW hore Xasan Cali Khayrre oo ka mid ah Madasha Musharrixiinta ayaa se goobta ka maqan oo sida aannu xaqiijin karno iska diidey inuu shirkaa tago.

Dadka ayaa isla dhexmaraya ku tiri kuteen ku saabsan inuu shirka uga baaqday diidmadii RW Rooble ee xil wareejinta Khayrre.

Yeelkeede, ilo ku dhow xafiiska ololaha RW hore ayaa Hadalsame Media u sheegay in Khayrre uu doonayey in aan Madaxtooyada lala shirin ilaa ay raalli gelin rasmi ah ka bixiso wixii dhacay 19-kii bishan.

“Ilaa ay Dowladu cudur daar bixiso inaan la tegin ayuu aaminsanaa laakiin waxaa in shirka la tago soo jeediyey ragga kale. Xumaan Rooble kala dhexeeysaa ma jirto.” Ayuu Hadalsame u sheegay qof magaciisa qariyey oo ka mid xayndaabka hoose ee ololaha Khayrre.

Wuxuu intaa ku daray in Khayrre uu ogolaan doono haddii lagu heshiiyo shirka Decale oo uu wakiishay saaxiibadii shirka fadhiya.

Hadalsame Media