Dal Muslim ah oo howlgeliyey booliis nooc cusub ah oo qabanaya howl gaar ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 25 Feb 2021 – Dalalka dunida ayaa xeelado kala duwan adeegsada si ay ula dagaallamaan dembiyada ka dhaca jidadka, min gaari, faras ilaa baaskiillo iyo mootooyin. Yeelkeede, dalka Pakistan ayaa la yimid xal kale.

Booliiska magaalada Karachi, oo ah midda ugu wayn dalkaasi, ayaa waxay yeesheen unugo ku socda kabaa taayarrada leh si ay ula dagaallaan dembiyada ka dhaca jidadka saxmadda badan ee magaaladaasi.

Faaruuq Cali oo ah taliyaha kooxdan ayaa sheegay in kabaha noocan ihi ay ka caawinayaan inay jidadka ku dhex cayrsadaan jeeb siibka iyo kuwa wax dafa ee ku dhex orda jidadka cariiriga ah ee Karachi oo qaadda 20 milyan oo qofood.

Cali ayaa qiray in booliiskani aanu ka shaqayn karin qaybo ka tirsan Karachi oo jidadku aanay sinnayn ama aan la dayactirin, balse wuxuu sheegay inay beegsanayaan meelaha ay ku badan yihiin kiisaska tuugaysiga iyo handadaadda dadku.

Hadalsame Media