Itoobiya iyo Kenya oo isha ku haya doorashada Somalia (Nus-qarni kaddib oo ay ku qaybsameen arrimaha Somalia)

0

(Hadalsame) 25 Feb 2021 – Somalia ayaa markale ku jirta wax lagu tilmaami karo kaddib markii ay dhamaatay muddo xileedkii MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 8-dii Febraayo iyada oo aan dalka doorasho loo diyaarin.

Haddaba, doorashada Somalia ayaa muhiimad istaraatiji ah u leh gobolka maadaama ay Somalia tahay dal muhiimad istaraatiji ah u leh gobolka iyo adduunka intaba.

Kenya iyo Itoobiya ayaa ugu horreeya dalal si toos ah iyo si dadbanba ugu lug lahaa siyaasadda Somalia tan iyo 1960-kii, iyagoo xitaa galay heshiis ay labadaa dal ku cayrsanayaan siyaasad midaysan oo ay ku wajahaan Somalia maadaama ay haystaan gobollo ay Soomaalidu leedahay.

Yeelkeede, tan iyo 2011 markii ay Kenya ay duullaanka sharci darrada ah kusoo gashay Somalia, Addis Ababa iyo Nairobi waa xooreen isbahaysigii nus-qarniga soo jirey ee ka dhanka ahaa Somalia, iyadoo ay Itoobiya haatan u muuqato mid yara debcisey faragelintii tooska ahayd ee ugu yaraan ka dhanka ahayd DF Somalia.

Waxaa maqaal ku saabsan sida ay Somalia iyo doorashadeedu muhiimad gaar ah ugu leedahay gobolka waxaa Al Jazeera English ku qoray Abdullahi Boru Halakhe oo ah nin lafa gura siyaasadda Afrika. Halkan ka akhri maqaalka…

Hadalsame Media