Daroonka Bayraktar TB2 oo rikoodh aan taariikhda horay u dhicin ka dhigay Turkiga

0

(Ankara) 23 Feb 2021 – Dayuuradda Turkigu sameeyo ee bilaa duuliyaha ah (UCAV) ee Bayraktar TB2 ayaa dhigtay rikoodh cusub kaddib markii ay hawada ku jirtey 300,000 oo saacadood, taasoo ka dhigtay dayuuraddii ugu horreeysey ee Turki samee ah oo intaas hawada ku jirta taariikhda dheer ee dalkaa oo idil.

Madaxa Baykar (CTO) Selçuk Bayraktar ayaa Twitter ku faafiyey isagoo liis gareeyey howlgallada ay Bayraktar TB2 ka qayb qaadatay sida kuwa Syria ee lala eegtay PKK iyo Daacish sida howlgalka Gaashaanka Furaat, howlgalka Laamo Saytuun, howlgalka Gaashaanka Guga, howlgalka Ciddiyaha Gorgorka oo laga wada fuliyey Ciraaq iyo Bariga Badda Cad.

Daroonkan oo bilowgii lagu bilaabay Ciidanka Lugta isaga oo aan hubaysnayn 2014 (UAV), ayaa kaddib la hubeeyey (UCAV), waxaana haatan adeegsada Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga iyo Hay’adda Sirdoonka Turkiga (MIT).

Bayraktar TB2 UCAV ayaa haatan dunida laga sheegay kaddib markii uu wacdaro ka dhigay dagaallo ka dhacay dalalka Suuriya, Libya, Ciraaq iyo Azerbaijan, iyadoo ay haatan si rasmi ah u isticmaalaan ciidamada dalalka Turkey, Ukraine, Azerbaijan iyo Qadar.

Hadalsame Media