Siyaasi soo jeediyey in 3 shuruudood oo adag lagu xiro siyaasiyiinta ”shaqa tagga ah” kahor inta aan xil looga dhiibin DF Somalia

0

(Muqdisho) 23 Feb 2021 – Guddoonka Guddi Hoosaaska Difaaca ee Baarlamaanka Somalia, Xuseen Carab Ciise, ayaa ka hadlay arrin ay badiyaa doodi ka timaado oo ku saabsan siyaasiyiin lagu sheego ”shaqo tag” oo kusoo biira DF Somalia, balse markii ay hal muddo xileed dhamaystaan amaba ay garaystaan in aanay xil heli doonin Hargaysa iska xaadiriya iyagoo sheega inay ”khaldameen oo cafis loo fidiyo.”

Ciise ayaa haatan soo jeediyay hindise ah in shuruudo adag lagu xiro siyaasiyiinta Somaliland ee Muqdisho imanaya ee marka hore kusoo xera gala inay ”midnimo doon yihiin”, shuruuddaasoo la mid ah midda ay Somaliland ku xirto siyaasiyiinta reer woqooyiga ah ee Hargaysa ku laabanaya kaddib hal fasal oo naq raac ah.

“Siyaasiyiinta shaqa-doonka ah ee Somaliland ka yimaada iyagoo ay shaqadu kala muhiimsan tahay qaddiyadda midnimada waa in shuruudo lagu xiro.” ayuu ku bilaabay Xuseen Carab oo laftiisu kasoo jeeda woqooyiga Somalia.

Ciise ayaa soo jeediyey ilaa 3 shuruudood oo kala ah:

1 – Kahor inta aanay xilba ka qaban hay’aadka DF Somalia waa inay Muqdisho ku noolaadaan 3-5 sanadood si ay u kala bartaan wadciga iyo dadka ay doonayaan inay xil u qabtaan.

2 – Inay iska casilaan wixii xil ah oo ay ka hayaan Somaliland.

3 – Inuu caddeeyo inuu yahay qof ay ka dhab tahay qaddiyadda midnimadu oo uu ka haro aragtidii gooni-goosadka ahayd.

Ciise ayaa sheegay in “su’aasha u baahan in la is weydiyaa ay tahay sida loo aamini karo qof horay Kitaab ugu dhaartay inuu aaminsan yahay kala go’a Somalia”, isaga oo aan bulshada Soomaaliyeed u caddaynin inuu aragtidaa ka laabtay. ”Sida anigaba la i waydiinayo haddii aan ku laabto Somaliland.” ayuu ku dooday Ciise.

Ciise ayaa sheegay in siyaasiyiinta ka imanaya Somaliland hadda kaddib loola dhaqmo si la mid ah qaabka loola dhaqmo kuwa koonfurta ka noqda, balse aanay taasi khusaynin shacabka caadiga ah.

Arrintan ayaa ah aragti cadaalad ah oo saliim ah, maadaama istaraatijiyad ahaan ay xitaa halis tahay in xil umadeed la iskaga dhiibo qof aanba umaddaas u shaqaynaynin ee taa biddaalkeeda wiiqi kara (sabotage) howlaha loo dhiibayo.

Hadalsame Media