”Dadku waa cabsanayaan!” – Walaac ka taagan sidii loo tallaali lahaa xaafadaha uu ajnabigu ku badan yahay (Dhegeyso)

0

(Gothenburg) 23 Feb 2021 – Dhowr gobol ayaa haatan soo rogey qorshe ay tallaalka Covid-19 kula wacyi gelinayaan meelaha liita dhaqan-dhaqaale ahaan, kaddib markii ay soo bexeen warbixinno muujinaya in dadka uu dakhligoodu hooseeyo ama waxbarashada ku liita uu dhibka ugu badani kasoo gaarey cudurka covid-19.

Raaya Al Qurashi oo ay wehliso Saciido Maxamed waxay ka mid yihiin hanuuninta dadwaynaha ee Gobolka Västra Götaland kuwaasoo dhowr luuqadood ku bixiya farriimo ku aadan tallaalka soo socoda ee duraygan dilaaga ah, waxayna iyaga oo jooga Angered Centrum, Göteborg dadka kula hadlayeen luuqadaha Soomaaliga iyo Carabiga.

Ekot waxay la xiriirtey 7da gobol ee ay ku yaallaan xaafadaha ugu daran ee ay dan-yartu u badan tahay. Gebigood waxay sheegeen inay qoondeeyeen hab-howleed ay ku wajahayaan dadka liita dhaqan-dhaqaale ahaan.

Gobolka Uppsala ayaa tusaale ahaan doonaya inuu dadka u maro ururro is-xilqaamayaal ah (mutadawiciin), iyagoo sidoo kale eegaya suurtagalnimo ku saabsan inay dhanka SFI-ga u maraan dadwaynaha soo galootiga ah.

Gobollo badan ayaa qorsheeynaya inay dadka wax ku gaarsiiyaan luuqado kala geddisan oo farriimo sida oo lagu faafinayo baraha bulshada.

Gobolka Örebro Län wuxuu kaalmo waydiistey bulshada rayidka ah iyo qaybaha waxbarashada, sida ay sheegtay Anna Jacopsson oo ah Maareeyaha Joogtaynta Howlaha.

Hadalsame Media