Sucuudiga oo bilaabaya qorshe ay balaayiin uga baxayso oo uu hub casri ah ku samaysanayo + Sababta

0

(Riyaad) 20 Feb 2021 – Saudi Arabia ayaa ku dhawaaqau qorshe $20bilyan ah oo uu kusoo saaranayo hubkiisa iyo hannaanada ciidan sanada yar ee soo aaddan, iyagoo tiigsanaya inay 50% dhimaan hubka ay dibedda kasoo degsadaan 2013-ka.

Sucuudiga ayaa sheegay inay $10bilyan oo doollar ay ku bixinayaan mashaariic cilmi baaris iyo horumarin ah, sida uu sheegay Guddoonka Wakaaladda Wershadaha Ciidanka ee GAMI, Ahmed bin Abdulaziz Al-Ohali, oo ka hadlay shir lagu qabtay Abuu Dabeey.

Wuxuu kaloo sheegay in dowladdiisu ay kordhinayso miisaaniyadda ku baxday daraasaadka ciidanka iyo horumarinta oo haatan ah 0.2%, balse la gaarsiinayo 4% 2030.

Go’aanka Sucuudiga ayaa la fahamsan yahay in looga dabaaqayo fariisinta hub ay Maraykanka ka iibsan lahaayeen iyaga iyo Imaaraadku. Waxaa sidoo kale jira dalal uu Sucuudigu la xafiiltamo sida Turki iyo Iiraan oo dhanka soo saarista hubka maxalliga ah aad uga horreeya Sucuudiga oo aan weli lahayn raasumaal dad oo micne leh.

Hadalsame Media