”In la isu soo boxo waa xuquuq jirta” – Norway oo war kasoo saartay xiisadda Muqdisho

0

(Muqdisho) 20 Feb 2021 – Dalka Norway ayaa walaac ka muujiyey xaaladda uu haatan marayo dalka Somalia iyagoo baaqyo u jeediyey dhinacyada is haya.

Norway ayaa soo jeedisey in laga fogaado wixii gacan ka hadal ah oo la is xakameeyo sidoo kalena xal loo raadiyo dhibka taagan.

Waxay kaloo Norway hoosta ka xarriiqday xaqa ay dadwaynuhu u leeyihiin in ay isu soo baxaan iyo inay si xor ah afkaarohooda u cabiraan.

Norway ayaa ka mid ah dalalka Somalia ka taageera dhinacyo badan oo ah mug dhisidda iyo xoojinta hay’aadka dowladeed ee dalka oo ku burburay dagaalladii sokeeye.

Hadalsame Media