”Waad noo gafaysaan!” – Sudan oo aad uga carootey war kasoo baxay Itoobiya (Xaaladda oo isu rogaysa xiisad goboleed ballaaran)

0

(Khartuum) 20 Feb 2021 – Dowladda KMG ah ee Sudan ayaa si wayn uga carootey hadal kasoo yeerey Itoobiya oo sheegtay in Sudan ay shidayaan ”dhinac 3-aad”, iyadoo ay Wasaarad Dibadeedka dalkaasi sheegtay inay Sudan taqaanno xuquuqdeeda sharciga ah iyo difaacidda madax bannaanideeda.

Sudan iyo Ethiopia ayaa ku muransan dhul ku yaalla al-Fashaqa oo ku taalla bariga Sudan, kuna beegan xadka gobolka Amxaarada, kaasoo ay sheegeen inuu Ingiriisku calaameeyey 1903-dii iyadoo uu ogolaaday Menelik II.

“Warka WAD Itoobiya ee Sudan ku eedeeyey inaan u shaqeeyno dhinac 3-aad waa aflagaaddo aan la cafin karin, waxaa Itoobiya ka hoos baxsan wadaniyadda taariikhiga ah ee Sudan oo dhowaan u kacsoomay xorriyad, cadaalada iyo nabad gelyo” ayaa lagu yiri warka Khartuum oo sidoo kale Itoobiya ku eedeeyey inay ciidankooda oo ay wehliyaan kuwa Eritrea ay soo galeen gudaha Sudan.

Ethiopia ma magacaabin dhinaca 3-aad, balse waxaa loo badinayaa Masar oo ay isku hayaan biyo-xireenka ay ku baxday $4.5 bilyan oo doollar ee Grand Renaissance Dam.

Haddii ay Ethiopia dhinaca 3-aad ula jeeddo Masar, waxay taasi ka dhigan tahay inaysan arrintu sahlanayn oo ay isu rogtey xiisad gobol oo ballaaran.

Hadalsame Media