MW TUNISIA: ”Waxaan ka cabsanayaa Maalinta Qiyaame ee la igu xisaabinayo Alle hortiisa!”

0

(Hadalsame) 17 Feb 2021 – Madaxweyne Qays Siciid waa madaxweynaha dalka Tuniisiya isagoo ka hadlaya markii xilka loo doortay ayaa waxuu yiri sidan:

“Markii la ii Doortay Madaxweynaha Tuniisiya waxaan iri marabo inaan ku Hoydo Qasriga madaxtooyada ,waxaan ku Hoyanayaa Gurgaygii hore.Madaxtooyada Xafiis shaqo ahaan ayaan u imanayaa.

Waxaan kaloo Go’aansaday markaan magaalada Dan gaar ah ka yeesho in aanan kaxaysan Baabuurta Dawladda oo aanan Shidaalka ummadda ku Khasaarin dan gaar ah oo aan anigu leeyhay ,.Markaas waxaan Kaxaystaa Baabuurkaygii yaraa ee aan lahaa intii aanan madaxweynaha Noqon ,Sidas waxaan u yeelayaa Waxaan ka Cabsanayaa Maalinta Qiyaamaha alle hortii laygu Xisaabinayo inaan Waayo waxaan ku jawaabo . !!

Dad badan way igula yaabeen arintaas waxay dhaheen macquul maaha sidan aad u Dhaqmayso Laakiinse way la Qabsan doonaan insha allah !!

Maxaa keenay inaan sidaas u Dhaqmo ?

*Shalay markay shacabku i dooranayeen waxba ma haysan waxaan ahaa macalin, Macalimnimadii ayaa laygu qadariyey iyo markaan Garsoorka Joogay in weligey iska ilaalin jirey inaan qaadin Talaabo Khaldan.

Xiligii Doorashada Baabuur ama gaari qaali ah ma wadan, ololohii Doorashadana Hal dollar iigama Bixin ,oo shacabkaa i garab istaagay Waxaana ka adkaaday Musharxiin Kharash gareeyey malaayiin Dollar Sidaas darteed Way ii Cuntami wayday Dadkaygii Masuuliyadu iga Saarnayd oo badankood Xaalkooda Dhaqaale Liito inaan u Dhaqmo si iyaga ka duwan.

Insha allah waan ku taagnaan doonaa Go’aankayga waxaana xooga saarayaa inaan Bulshadaa Noloshooda hagaajiyo oo aan Hantidooda u ilaaliyo una Beekhaamiyo !!

Intaan xilka Madaxweyne hayo, Macalinkii ayaa Xoolahii Ummadda dhacay oo ku tasarufay Taariikhda ii Geli mayso.

Xilka aniga Raaxo iima aha ee Runtii waxaan u arkaa in laygu Imtixaanayo sidaan uga soo Baxo Masuuliyadaa Culus,Allah ayaan Talo saartay inaan ku dhicin Imtixaankaas.

Reer Tuniisiya weli waxaan ahay Macalinkiinii Ubadka Barbaarinayey oo aad masuuliyad kale oo Culus ugu Darteen oo aad u garateen inuu Bulshadoo dhan u adeego isla markaana Baxnaaniyo”

Qays Siiciid Maadaxweynaha Tunisia.

Xigasho: Abdirisaaq Jubba

Hadalsame Media