Israel oo tallaalka Sputnik V ka hor istaagtey Marinka Gaza & muran ka taagan

0

(Gaza) 17 Feb 2021 – Israel ayaa is hor taagtey 1,000 kuuro oo ah tallaalka Ruush sameega ah ee Sputnik V ee lagula tacaalo coronavirus kaasoo la siin lahaa howlwadeennada caafimaad ee Marinka Gaza ee go’doonsan.

Kooxda Xamaas oo halkaa xukunta ayaa caro kala dul dhacday diidmada Israel oo ay ku tilmaameen meel ka dhac xeerka caalamiga ah iyo heerarka aadminnimo,” sida uu sheegay Afhayeenka Xamaas, Hazem Qassem.

Wasiirka Caafimaadka Maamulka Falastiin, Mai Alkaila, ayaa sheegtay in Israel ay qaadayso ”mas’uuliyadda buuxda” dawadan oo laga soo diray dhanka Daanta Galbeed oo ay ka taliso kooxda PA.

PA ayaa horay u sheegtay inay saanadda dawada ah la wadaagayso Gaza oo ay Xamaas xukumaysey tan iyo 2007-dii, waxaana halkaa ku dhaqan 2 milyan oo qof oo aan ilaa haatan helin hal dhibic oo tallaal ah.

Hadalsame Media