4 sababood oo ay u khaldan tahay in dibedbax la qabto & mid qura oo ay sax u tahay in la qabto

0

(Hadalsame) 17 Feb 2021 – Waxaa taagan muran ku aaddan dibedbax lagu baaqay inuu Jimcaha ku qabsoomo magaalada Muqdisho kaasoo ay dabada ka riixayaan rag u badan musharrixiinta xilka dalka, waxaan haddaba idiin hayaa 4 qodob oo aan ku diiddan ahay dibedbaxaasi iyo mid qura oo aan ku ogol ahay.

1JIHO FURANTAY – Ujeedka mudaaharaadka waxaa lagu sheegay in cadaadis lagu saarayo Madaxtooyada oo ka caga taallaysay in dalku uu doorasho aado, balse maadaama xal laga gaarey shirkii Guddiyada Farsamada ee Baydhabo waxaa muuqata in haatan ay jiho furmayso.

2AMAANKA – Waxa ugu daran ee Muqdisho iyo guud ahaanba Somalia ka jiraa waa amaan xumi, waxaa sidoo kale jira kalsooni xumi, hab-raac iyo tayo xumi ka jirta dhanka hay’aadka xoojinta amaanka iyo xitaa dadka dejiya siyaasadda amaanka oo muujinaya bisayl xumi iyo xilkasnimo darro ku aaddan mas’uuliyadda ka saaran amaanka, sidaa darteed, waxaa halkaa ka dhalanaya firaaq amaan halis ah, markaas waxaa habboon in aan la qaadanin jid uu mugdi badani ku xeeran yahay.

Waxaan kale oo aan la hubin in dadka dibedbaxayaa ay noqon doonaa ”dad nabadeed”, waayo umaddu weli uma bisla waxa la yiraahdo dibedbax nabadeed, sidoo kalena waa lagu dhex dhuuman karaa.

3CUDURKA COVID – Waxaa dalka ka jira cudur halis ah iyadoo ay si rasmi ah Muqdisho haatan uga jirto moowjadda 2-aad ee Covid-19, gaar ahaan nooca dhalan rogan ee koowdii laga helay Kent, England iyo Koonfur Afrika waxaana haatan Isbitaalka Muqdisho ka saa’id caleeyey bukaanno uu cudurku soo ridanayo iyadoo qaar aan aqaanno ay halkaa ugu dhinteen daryeel xumo, tayo la’aan dhanka agabka ah iyo dabcan qaadka isbitaalka oo aan wada kaafin karin bukaanka. Sidaa darteed, wax micne oo ay samaynayso ma jirto in xilligan dibad bax lagu baaqo.

4 – YAA SHACAB U NAXAYA? Mid ka mid ah sababaha aanu dibedbaxani micne u samaynaynin waa in aanu jirin shacab u bisil cayrsiga danahooda, tusaale, marka ay DF dibedbaxa qaban qaabinayso waa la ogol yahay, balse marka ay mucaaradku wadaan waa khalad, sidoo kale, berri waxaa diidi doona kuwa maanta doonaya, marka ay halkaa taagan tahay arrintu kuma saabsana shacab wax diidaya ama doonaya ee waa siyaasi kursi doon ah iyo mid kursi ku dangiig ah oo doodaya, wax shacab la yiraahdaa shaashaddaba kuma jiraan, iyaguna intooda badani intaa maba gartaan.

Haddaba, maxaad iskugu dhibaysaa wax aad hubto in daal mooyee aanad duunyo kale kasoo xasilin doonin haddii aad ugu roonaato, haddii aad ugu darraatana aadba halis nafeed ku geli karto maadaama aanu jirin qof lafahaaga u turaya mucaarad iyo muxaafidba?

MIDDA QURA EE UU SAX KU YAHAY & TALO AAN U JEEDINAYO HA’AADKA AMAANKA

Waxaan marna la aqbali karin in ay dhacdo xirfad xumi dhanka sugitaanka amaanka ah, anigoo ku baaqaya in aan mudaaharaad loo baahnayn qodobbada aan soo xusay dartood, misna haddii ay dadku yiraahdaan waa dibedbaxaynaa waa xuquuq madani ah oo uu dastuurku damaanad qaadayo marka yaan marna la isku dayin wax kasta oo u eg in la hor istaago inay dadku dibedbaxaan, qofkii foowdo samaynaya dabcan kuma jiro xisaabta.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media