”Sida ugu wanaagsani waa inaan qabsanno Jubbaland!” – Dadwaynaha Kenya oo ka fal-celiyey diidmada Maxkamadda ICJ

0

(Nairobi) 13 Feb 2021 – Warqaadka Daily Nation ayaa soo qaatay warka ku saabsan codsigii fashilmay ee ay Kenya ku doonaysey in lagu baajiyo dacwadda biyaha ay sheeganayso ee Somalia.

Kenya ayaa markii 4-aad dalbatay in dib loo riixo dhegeysiga iyadoo ku doodaysa inuu ka lumay “dokumenti muhim ah” oo uu ku jirey maab caawin lahaa qarreennada difaacaya, taasoo ay ganafka ku dhufatay DF Somalia oo si cad u diiddey in mar kale baajiyo dhegeysiga dacwadda.

Iminka ayuu haddaba soo warkii laga dhowrayey Maxkamada Hague deggan ee ICJ oo diiddey codsiga Kenya, didaa darteed, waxaa dacwadda la dhegeysan doonaa 15-ka Maarso.

Haddaba dadwaynaha Kenyan-ka ah ayaa ka fal-celiyey warkan iyadoo ay qaar badani dowladooda ku eedeeyeen inay arrinta ka gaabisay.

Onesy Mutuku Mbithi ayaa ku dooday in Kenya ay marka ay arrimahan oo kale yimaadaan ay magacaabato dad aan karti lahayn.

Trendy Tuppe Jr. Ismari waagan waxaan sida muuqata loo xugmin doonaa Somalia. Kenya xaq uma laha inay sheegato biyaha Somalia.

Joseph Chuthi Madaxda Kenya way kaftamayaan waxay moodayaan inay sida ay doonayaan dadka ku khasbi karaan, berri ayaan toosi doonnaa annaga oo ka tirsan Itoobiya ama Somalia haddii aynaan dhab u wajihin arrimahan oo kale.

Lotiono G Maraka Ma qabo inay Somalia xasili doonto mar dhow, waayo waxaa jira dad u malabsanaya gudo iyo dibedba. Haddii ay Soomaalidu dalkooda difaacanayaan ha tagaan gudaha dalkooda.

Prince Joel Kenya Waxaan moodayey inay Somalia tahay dal fashilmay. Runtii waa in aan gumaysanno Jubbaland.

Washington Muchai Mutugu Arrintu ma Kenya iyo Somalia wax ay isku hayaanbaa …..Mise labadaba waxaa isu adeegsanaya reer Galbeedka???

Dennis Kipkemoi Kenya si xun baa loola taliyey. Haddii ay sidani tahay waxa uu rabo Uhuru Kenyatta ha isu diyaariyo Somalia oo iska dhicisay millateriga Maraykanka qarniga 20-aad

Jeff Mugambi Somalia xitaa ha sheegato gobollada Woqooyi Bari (NFD).

Scientist Ndamwe Kevin Masinde Heshiiska ugu wanaagsani waa in aan qabsanno Jubaland

Halkan kasii akhri…

Hadalsame Media