”Nooma qorshaysna inaan wacno!” – Maraykanka oo lahjad ka duwan middii hore kula hadlay Sucuudiga

0

(Washington, DC) 13 Feb 2021 – MW Maraykanka ee Joe Biden ayaan lahayn wax qorshe ah oo uu ku wacayo hoggaamiye beenaadka Sucuudiga ee Mohammed bin Salman (MBS), sida uu xaqiijiyey Aqalka Cadi.

Biden ayaa horay u sheegay in xuquuqda aadmigu ay noqon doonto midda qaabaynaysa xiriirka ay Maraykanku la leeyihiin Sucuudiga, intii uu ku jirey ololaha doorashada 2020, waloow uu Maraykanku xiriir la leeyahay Israel oo ka mid ah dalalka sida joogtada ah ugu tunta xeerarka caalamiga ah.

Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad ee Jen Psaki ayaa sheegtay in aanu jirin wicitaan haatan qorshaysan oo ay kula hadlayaan Dhaxal-suge MBS.

“Hagaag, sida cad waa jirta dib u eegis ku saabsan siyaasaddeenna Sucuudiga. Ma jiro wicitaan qorshaysan inta aan ka war hayo.” ayay tiri Psaki oo shir jaraa’id qabatay.

Hadalsame Media