Maxkamadda ICJ oo si cad u diiddey codsigii Dowladda Kenya (Go’aan aan rafcaan lahayn oo soo bixi kara)

0

(Hague) 13 Feb 2021 – Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa si rasmi ah u diiddey codsigii ay Kenya u gudbisey ee ku saabsanaa in markale dib loo dhigo dhegeysiga dacwada xadka badda.

Kenya ayaa markii 4-aad dalbatay in dib loo riixo dhegeysiga iyadoo ku doodaysa inuu ka lumay “dokumenti muhim ah” oo uu ku jirey maab caawin lahaa qarreennada difaacaya.

Waxaa tillaabadaa ganafka ku dhufatay DF Somalia oo si cad u diiddey in mar kale baajiyo dhegeysiga dacwadda.

Iminka ayuu haddaba soo warkii laga dhowrayey Maxkamada Hague deggan ee ICJ oo diiddey codsiga Kenya oo u muuqata mid wax ku raadinaysa qaab aadadaalo iyo waqti lumin ah.

Sidaa darteed, waxaa dacwadda la dhegeysan doonaa 15-ka Maarso iyadoo ay dhici karto inuu go’aanka garnaqistu soo boxo lama se hubo in ay Kenya imanayso.

Go’aannada ICJ rafcaan ma laha.

Hadalsame Media