Dood ka taagan wargayska Nation oo qoraalka diidmada ICJ ku tag gareeyey nin Soomaali ah oo xiriir la leh siyaasi caan ah

0

(Nairobi) 13 Feb 2021 – Warqaadka Daily Nation ayaa soo qaatay warka ku saabsan codsigii fashilmay ee ay Kenya ku doonaysey in lagu baajiyo dacwadda biyaha ay sheeganayso ee Somalia.

Warqaadkan oo ah midka ugu ballaaran Kenya ayaa qoraalkiisa ku tag gareeyey 2 magac oo uu midkood yahay Cabdullaahi Cabdiraxmaan Bashiir (Isbatoore), iyadoo haatan lagu soo daray 2 magac oo kale oo uu midkood yahay Prince Godfrey.

Marka la gujiyo magaca Soomaaliga ah waxaa soo baxaysa inuu yahay qof xiriir la leh Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waayo waxaa Cabdullaahi boggiisa ku jira qoraal uu kusoo tag gareeyey isla Warsame taasoo ka dhigaysa 2 qofood oo is garanaya.

Dadwaynaha ayaa durba bilaabay inay baraha bulshada ku falanqeeyaan arrintan, iyadoo uu Warsame ka mid ahaa siyaasiyiintii Kenya la galay heshiiska isfahamka ah ee muranka geliyey biyaha Somalia, waloow aan si otomaatig ah loogu fasiri karin ”inuu badda iibiyey” sida ay dadka qaar u dhigaan.

Arrintan ayaa imanaysa xilli beryahan la wad wadey arrin ku saabsan nin ay kooxaha mucaaradku ku tag gareeyaan qoraalladooda oo la yiraahdo Godfrey.

Hadalsame Media