Maraykanka oo Somalia kala shaqaynaya fududaynta caqabad hor taagan dhoofinta khayraadka dalka

0

(Muqdisho) 09 Feb 2021 – Somalia ayaa ah dal leh khayraad badan oo dabiici ah oo aysan ka macaashin 90% ka badan, waxaana khayraadkaa ka mid ah kalluunka iyo waxyaabaha lala xiriiriyo.

Hay’adda kaalmada caalamiga ah ugu qaybsan Maraykanka ee USAID xarunteeda Somalia ayaa haatan sheegtay in khayraadka badeed ee faraha badan ee dalka loo samayn doono suuq gayn caalami ah oo haatan furmaysa.

Waxay saadaaliyeen in iib gaynta dibedda ee kalluunka Somalia uu laba-laabmi doono iyagoo tilmaamay in USAID Somalia oo dalka ka wadda mashruuc qabta howlo kala duwan oo la yiraahdo GEEL ay Somalia ka caawin doonto sidii loo dhimi lahaa tarriifooyinka iyo caqabadaha dhanka sharciga ah ee hor yaalla dhoofinta kalluunka Somalia.

Yeelkeede, lama oga sida ay USAID oo aan ahayn urur ganacsi ay taa u samayn karto, maadaama heshiisyada caalamiga ah ay badiyaa kala saxiixdaan dalalka ay khuseeyso amaba ururrada ay xubnaha ka yihiin, iyadoo ururrada faraha badan oo ay Somalia ku jirto sida IGAD, AU, AL, midka Islaamka iwm aanay inta badan lahayn borotokool ganacsi oo micne sameeya sida kuwa EU iwm.

Hadalsame Media