Itoobiya oo bilowday iibsiga khayraad Somalia laga helo & saadaal cusub

0

(Muqdisho) 09 Feb 2021 – Somalia ayaa ah dal leh khayraad badan oo dabiici ah oo aysan ka macaashin 90% ka badan, waxaana khayraadkaa ka mid ah kalluunka iyo waxyaabaha lala xiriiriyo.

Hay’adda kaalmada caalamiga ah ugu qaybsan Maraykanka ee USAID xarunteeda Somalia ayaa sheegtay in khayraadka badeed ee faraha badan ee dalka loo samayn doono suuq gayn caalami ah oo haatan furmaysa.

USAID ayaa sheegtay in Itoobiya ay durba iibsatey 20 tan oo kalluunka Somalia ah kaddib markii la qabtay carwo lagu bandhigayo kalluunka dalka.

Waxay intaa raaciyeen in iibgaynta caalamiga ah ee kalluunku ay laba-laabmi doonto xilliyada soo aaddan, iyadoo gacan ka gaysanaysa fududaynta tarriifooyinka la saaro kalluunka la dhoofiyo, gaar ahaan kuwa ay saaraan dalalka loo iib gaynayo.

Hadalsame Media