(Nashville) 08 Feb 2021 – Wiil 20-jir ah ayaa toogasho lagu diley kaddib markii uu ka qayb qaatay ”prank” Youtube loogu tala galay oo ku saabsanaa dhac jilliin ah.
Dad goobjoog ahaa ayaa Timothy Wilks u sheegay in mid ka mid wiilashii prank-ga samaynayey uu isaga oo middi wayn wata uu u tegey dhowr qof oo hal qoys ah oo ku sugnaa meel lagu jimicsado oo ku taalla Nashville.
Mr Wilks ayaa waxaa deeto toogtey wiil 23-jir ah, oo markii dambe booliiska u sheegay in aanu waxba kala soconin prank ay samaynayeen balse uu kaliya is difaacayey.
Ma jirto cid ilaa haatan loo xirey dilka Mr Wilks’, iyadoo ay faraha kasii baxayaan muuqaallada prank-ga ah oo mararka qaar ay ka qayb qaataan dad hubaysan, maasgare xiran ama gawaari dafaya.
Youtube ayaa sanadkii hore mamnuucay muuqaallada halista ah ee prank-ga ah.
Hadalsame Media