QAYRUL MAS’UULIYIIN MADAX LAGA DHIGAY: Madaxtooyada, Maamullada & Madasha Musharrixiinta oo wada muujiyey in Beesha Caalamku ay tahay rajada qura ee Somalia

0

(Hadalsame) 08 Feb 2021 – Waan runtii ka xumahay in maanta sidaa leeyahay balse waa xaqiiqo jirta; Beesha Caalamku waa qaybta qura ee maanta wax micne leh sheegaysa marka loo eego dhamaanba dhinacyadii ay ahayd inay dusha u ritaan xilka Somalia mas’uuliyadna muujiyaan.

1 – Aan ugu horreeysiiyo Madaxtooyadii dalka oo ah hay’addii ay mas’uuliyaddu ka saarrayd ilaalinta Dastuurka iyo Danaha Qaranka oo ka badin waydey kursi jacayl aan kas iyo karti lahayn.

Dabcan ceeb ma aha inuu qofku doono inuu kursiga sii haysto oo qof 2 jeer iyo ka badanba waa la dooran jirey (sida uu qabo dastuurka dalalka qaar), balse waa in lala yimaadaa fahmadii iyo farsamadii ay taasi ku dhici kari lahayd, iyadoo aan la is yeelyeelinna dadka ay wax kaala dhexeeyaan laga dhaadhiciyo sida aad wax u doonaysid haddii lagaa diidana aad horay u socoto ee aanad dalkii u qabsan madax furasho.

Cid kasta oo la talin jirtey MW Farmaajo maanta waa u jeedaa dadkuna baraha bulshada waa ka arkayaan in aanay ahayn koox caqli iyo cilmi u saaxiib ah.

2 – Waxaa xiga Maamullada oo u kala baxay kuwo iska yeelayaal ah oo aan wax ajende iyo qorshe ah xambaarsanayn & kuwo wax baa la diidaa beri maqlay ee xitaa wixii ay iyagu qoreen diidaya, taasi waxay sii xoojisey ismari waaga jira waana nasiib darro inay sidaa umadda ula dhaqmaan, iyagoo awalba burburiyey hay’aadkii isla xisaabtami lahaa.

Tusaale, ragga ku magacaaban ”Madaxwayne hebel” ma jiro mid hal qorshe hor geeya Baarlaman-goboleedkiisa amaba leh nidaam garsoor oo isaga ka madax bannaan. Taasi waxay jeebka ugu shubtay aayihii umad aanay wax dan ah ugu maqnayn.

3 – Waa qolo sheegatay ”Madasha Musharrixiinta” oo waraaqo aan nuxur lahayn oo aysan ka muuqanin xeerinta dan umadeed soo saaraya tan iyo maalintii 1-aad.

Tusaale xalay oo ugu dambaysey waxay sheegeen in aanu dalku dowlad lahayn oo la magacaabo Gole hoggaamiye kooxeedyo ka buuxaan, waxay la mid tahay sidii islaantii xaabada qaadi waydey ee tiri ”halla ii kordhiyo canaabta”, waayo hadda ayaabay 6 nin is fahmi la’yihiine qiyaas haddii 50 la gaarsiiyo? Waxaa gelaynaa sheekadii hoggaamiye kooxaysiga iyo shirarkii tirada badnaa oo nasiib darro haddaba socda oo uun sii kordha.

Tan kale, maxay tahay ”Madal Musharrax”? Dabcan ma aha urur siyaasi ah ama xisbi, sidoo kale ma aha Maxkamad Dastuuri ah? Ma aha hay’ad la doortay ama la xulay? Sidoo kale isku hadaf ma aha ee kaliya waa qaylo isku darsi oo maalinta doorashada la bilaabo iyaga ayaa iska soo horjeesan doona. Maxay tahay haddaba awoodda sharciga ah ee ay wax kusoo saarayaan? Ceeb maba ahaateen haddii ay u hadli lahaayeen si nabadoonnimo ah oo ay dalka iyo dadka u turayaan balse taasina ma dhicin.

Markii aan intaa eegay ee aan waayey xitaa hal siyaasi oo ka mid ah inta aan soo xulay oo si joogto ah u muujinaya inay xitaa ugu yaraan khalad yihiin waxa socda maadaama dal Somalia oo kale ah oo kasoo doogey dagaallo sokeeye oo aan weli dhamaan aysanba caqli ahayn in la geliyo doodo la mid ah kuwii uu ku dumey, waxaa iisoo baxday inaysan Somalia lahayn madax bisil sidaa darteed uu daruuri yahay doorka Beesha Caalamka oo ah codka kaliya ee waaqici ah ee ay maqlayaan dhegaha umadda Soomaaliyeed, waayo iyada unbaa muujinaysa lax-jeclo ku saabsan in aan lagu faagan wixii lasoo farsameeyey.

Nin Deni la yiraahdo wuxuu kulamada tirada badan ee ilaa haatan la qabtay midkood ka sheegay ”in haddii lakala tago ay qolo waliba xaafaddeeda joogayso”, waana kaas xalka uu hayo, balse taasi xal ma u tahay dal u baahan in la isu keeno?

I aamin runtii aad baan uga xumahay inaan sidaa iraahdo, waase dhacday.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media