DEG DEG: Beesha caalamka oo war kasoo saartay marxaladda uu dalku marayo (Arrin ay ka digeen & baaq ay dirayaan)

0

(Muqdisho) 08 Feb 2021 – Beesha caalamka ayaa soo dhoweysey dedaalka loogu jiro in la meel mariyo heshiiskii 17-kii Sebtembar oo ahayd moodalka doorashada 2021 iyagoo sheegay in shirkii Dhuusamareeb ee 1-6 bishan horumar yar laga sameeyey, balse aan arrimaha waawayn tanaasul laga gaarin.

”Waxaan rumaysan nahay inay suuragal tahay xeer jajab la gaaro iyo inay dhinacyadu u wada furan yihiin in lasii wada hadlo. Waxaannu madaxda Somalia ugu baaqaynaa in lasoo celiyo wada hadallo si deg deg ah u dhaca si loo qabto doorashada heer qaran,” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka.

”Waxaan dhegeysanney khudbaddii Madaxwaynuhu uu 6-dii Febraayo ka jeediyey Baarlamanka waxaana calaamaynay inuu doonayo in lasii wado wada xaajoodka lagula jiro maamullada. Waxaan ku baaqaynaa wada hadallo deggan oo wax dhisaya,” ayay daba dhigeen.

Waxay beesha caalamku ka digtey in lagu dhaqaaqo geeddi socodyo is barbaryaac ah ama doorasho qaybi gaar u qabato ama wax kasta oo kale oo aan ku dhisnayn heshiis sal ballaaran oo ay sheegeen in aanay taageeri doonin.

”Waxaannu madaxda Somalia ugu baaqaynaa inay wax kasta ku dhisaan natiijada togan ee shirkii Dhuusamareeb, ayna isku raacaan dhaqan-gelinta doorashada.” ayay ku soo afjareen.

  • dalalka iyo ururrada soo saaray War Saxaafadeedka

* African Union Mission in Somalia (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Ethiopia, European Union (EU), Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Indonesia, Ireland, Italy, Japan, League of Arab States (LAS), Netherlands, Norway, Russian Federation, Spain, Sudan, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, Maraykanka, iyo QM.

Hadalsame Media