MW Turkiga oo sheegay inay diiradda saarayaan tiknolojiyadda & ”caqliga macmal ah” (Bartilmaameed Turkiga ka dhigaya mid ka mid ah….)

0

(Ankara) 08 Feb 2021 – MW Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay qorshe hami badan leh oo uu ku bartilmaameedsanayo inuu Turkiga kaga dhigo dal ka mid ah 10-ka dhaqaale ee dunida ugu ballaaran, isagoo doonaya maalgelinno waawayn si sare loogu qaado dakhliga celceliska ah ee GDP.

“Si aannu uga mid noqonno 10-ka dhaqaalayow ee ugu waawayn caalamka waxaannu bilaabaynaa maalgelinno iyo mashaariic ka waawayn kuwa haatan,” ayuu yiri madaxwaynaha oo farriin muuqaal u diray munaasabad lagu furayey buundo wayn oo laga dhisay bariga Gobolka Malatya.

Wuxuu sheegay in Turkigu uu kaligii hirgeliyey in ka badan kala bar mashaariicda waawayn ee socda isagoo farta ku godey inay qorshaynayaan inay xoojiyaan dhinacyada tiknolojiyadda, wershadaha iyo caqliga macmalka ah (AI).

“Waxaannu markasta sare u dhignaa kaabayaasheenna annagoo samaysananna bartilmaameed cusub oo keenaya inaan ka korno dhinac kasta oo aan kurdhinno kartideenna iyo wax soo saarkeenna.” ayuu raaciyey Erdogan.

Hadalsame Media