”MW Farmaajo & maamulladu waa inay xal deg deg ah gaaraan!” – Maraykanka oo bayaaniyey waxa ay Somalia ku waydey khilaafka taagan

0

(Muqdisho) 08 Feb 2021 – Kaddib beesha caalamka waxaa isna gaar qoraal kooban usoo saaray Maraykanka oo ka hadlay marxaladda uu dalku marayo ee hubaal la’aaneed.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitter ee Safaaradda Maraykanka ee Somalia ayaa ku baaqaya in la qabto kulan kale oo ay yeeshaan Madaxtooyada iyo maamullada dalka oo 2 maalmood kahor kusoo kala tegey Dhuusamareeb.

”Maraykanku wuxuu MW Farmaajo iyo madaxa qaranka ku boorrinayaa inay qaadaan tillaabo lagu xallinayo ismari waaga siyaasadeed ee halista gelinaya aayaha Somalia oo ay heshiis la gaaraan Maamulalda Federaalka ah si dhaqse loogu qabto doorasho baarlamaani ah iyo mid madaxwayne.” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka Maraykanka.

Maraykanka ayaa sheegay in khilaafka siyaasiga ihi uu dhalay in aan muddo sanad ah wax horumar ah laga samaynin la dagaallanka al-Shabaab iyo hagaajinta amaanka iyo dhaqaalaha dalka, hubaal la’aanta dhanka cuntada iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee halista gelinaya Soomaali fara badan.

”In dhaqse loo xalliyo khilaafkan waa mas’uuliyadda madaxda qaranka iyo kuwa gobollada oo meel iska dhiga raadinta faa’iido siyaasadeed ee taa bidaalkeeda eega danta dadka Somalia. Waa xilligii laga tanaasuli lahaa waxyaabaha la isku diidan yahay si shaqada loo qabto.” ayaa la daba dhigay.

Hadalsame Media

Hadalsame Media