”Xaaladdu waxay hadda taagan tahay ”dhaq ama dhig” – Siyaasi ku dhowaa XF oo hadlay

0

(Hadalsame) 07 Feb 2021 – Siyaasiga & aqoonyahanka Dr Cabduraxmaan Cabdullaahi Baariyow ayaa tusaale ka bixiyey marxaladda uu haatan dalku marayo, isagoo ku meteley aragti ku aaddan dhanka dhaqanka qoyska.

”Haddii gabar aad guursato, hawsha lagaa rabo waa inaad gudataa. Haddii kale, muddo yar kaddib, waxaa gabadhu reerkeeda ku leedahay “ninkaanu ha idhaqo, ama ha idhigo,” ayuu qoraal kooban ku bilaabay.

”Haddii 2 mid lagaa waayo, maxkamad ayaa ku sugeysa iyo fasakh. Waa sidaas madaxnimaduna. Marmarsiinyo ma jirto.” ayuu raaciyey.

Somalia ayaa haatan ku jirta wax u eg xasarad dastuuri ah waayo dalku ma laha hannaan garsoor oo madax bannaan Maxkamad Dastuuri ihina maba jirto, halka ay hay’aadka DF oo ay Baarlamanka iyo XFka mid yihiin ay danahooda eeganayaan.

Dr Baadiyow ayaa ahaa Guddoonkii Guddiga Wadahadallada DF Somalia & Maamulka Somaliland.

Hadalsame Media