Sida ugu wanaagsan ee la yeeli karo marka uu berri dhamaado muddo-xileedka XF Somalia?

0

(Hadalsame) 07 Feb 2021 – Daruuri ma aha in maalmo loo tiriyo XF ee haatan jirta waayo dadka maalmaha tirinaya haddii aad waydiiso biddaalka ay hayaan 99.9% kuu sheegi mayaan dookh micne leh oo ku aaddan jidka xiga ee la qaadayo iyo nooca nidaam ee la hirgelinayo, si ay howluhu sidoodii ugu sii socdaan.

Qaar wax ulama jiraan waqtigii waa dhamaaday ee halla kala tago, taasina ma aha wax la aqbali karo maanta, marka la eego casharka nidaam li’ida laga soo bartay ee weli la xallin la’yahay, xitaa haddii madaxda xilalka haysa laftoodu aanay xilkas u ahayn sidii looga fadhiyey ama laga filanayey.

Aad bay XF ugu fiicnayd, ugu yaraan dhaxal ahaan, inay xilligan doorasho qabato mase dhicin oo talo xumo, kursi jacayl iyo damac aan karti lahayn oo ah jirro Soomaalida inta badan haysa ayaa heerkan nasoo taagtey.

Yeelkeede, tiiyoo ay taasi dhacday, sida saxda ihi waa inay XF ee haatan dhisani u sii shaqaysaa si xil-gaarsiin ah (expeditionary). Waase in heshiis deg deg ah laga gaaraa arrimaha doorashada, waayo xisaabta sii joogista kuma jirto in heshiiska caqabad loo dhigo kaddibna la iska joogo, haddii aysan taasi dhacaynin waa inay is casilaan madaxda XF, howshana uu si ku sime ah usii wado Guddoonka Baarlamanka ee Aqalka Hoose.

Waxaa kale oo muhim in aan ogaanno in xitaa haddii ay XF is casisho maanta ama berri oo ku beegan goorta uu waqtigeedu dhacayo, uu sharcigu qabo in ay isla iyadu howsha sii waddo, tiiyoo nasiib xumo uu MW Farmaajo uu qodobkaa laftiisu horay ugu tuntayna, dalka foowdo looma rabo.

Gebagabadii MW Farmaajo dhaxalkii laga sugayey maalintii uu imanayey ee 8-dii Febraayo nin ka tegi doona uma eka, waxaana taa laga akhrisan karaa inta ay la’eg tahay kartida, garashada, mas’uuliyadda iyo saadaasha dadka uu ku kalsoon yahay ee ka garab shaqaynaya, balse waa in laga roonaadaa.

Waayo in waxa la isku haystaa gubtaan cidna dani uguma jirto, marka waa in si deggan oo xeerin badani ku jirto loo dhaqmaa, khaasatan qolyaha mucaaradka ihi ha ogaadeen in ay eegayaan shacabka ay doonayaan inay berri xukumaan oo ay kasoo baxaan mas’uuliyadda ka saaran dalka iyo dadka iyagoo woxoogaa ugu yaraan qarinaya hankooda kaliya ku qotoma sidii ay kursiga ku heli lahaayeen wax kasta oo ay ku qaadato.

Casharkaa qaraar horay ayuu dalku ugu jabay waana ka kaban la’yahay ilaa maanta, markii uu nin isku dayey inuu kursiga ku haysto wax kasta oo ay ku qaadato, qolo jabhado sheeganaysana ay holliyeen inay kursiga ku raadiyaan wax kasta oo ay ku qaadato; waxaa meesha ka baxay kursigii oo dhan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media